Home Wararka Maanta Sweden oo joojineysa Safarada Gudaha iyo kuwa dibada ee xiliga Xagaaga (sammarka)

Sweden oo joojineysa Safarada Gudaha iyo kuwa dibada ee xiliga Xagaaga (sammarka)

0

Sida uu shaaca ka qaaday Anders Tegnell oo ka tirsan Hay’ada Caafimaadka dadweynaha Dowlada Sweden ayaa qorsheeneysa hakinta safarada xiliga saamarka ee soo socda labadaba safarada dibada iyo kuwa gudaha sababtaasi oo lagu sheegay mid lagu yareenayo faafista infekshinka Corona.

” dad badan ayaa Xanuunsan hadii loo ogolaado safarada waxay qaadidoonaan Xanuunka kadibna sii faafin karaan” Anders Tegnell ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.

Anders Tegnell ayaa intaasi ku daray in ay iska cadahay joojinta ama hakinta Safarada dibada iyo kuwa gudaha xiliga Saamarka ee sida aadka loo safro.

” waxaan dooneenaa in uu infekshinka uu u fido si hoose sidaasi darteed waa in aysan dadka socdaalin ayuu yiri Anders Tegnell oo warbaahinta la hadlay.

Hadalka kasoo baxay hay’ada Caafimaadka dadweynaha ayaa ku soo aadaya xili dad badan ay rajeynayaan furitaanka Safarada Dibada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here