Home Wararka Maanta Ururka Caafimaadka Ilkaha Sweden oo soo saaray Digniin Cusub oo dadka waayeelka...

Ururka Caafimaadka Ilkaha Sweden oo soo saaray Digniin Cusub oo dadka waayeelka ah

0

Digniin kasoo baxay Ururka Caafimaadka ilkaha ee Sweden ayaa lagu sheegay in Caafimaadka dadka waayeelka ee dhanka ilkaha uu qatar ku jiro madama mudo waqti dheer ah aysan soo booqan goobaha Daryeelka ilkaha oo xili walbo lagula socon jiray Xaalada ilkahooda.

Gudoomiyaha Ururka Cham Zlotnik ayaa sheegtay in dayaca Ilkaha ee Dadka waayeelka ay keeni karto in ay ka dhashaan infecshan sababi kara Cuduro kala duwan iyo cuno xumo soo wajahda Dadkaasi.

Cham Zlotnik ayaa intaasi waxay ku dartay in boqolkiiba 30 ilaa 50 ay hoos u dhaceen waayeelka soo booqda Goobaha daryeelka Caafimaadka labadii bilood ee ugu danbeeyay ee Xanuunka Corona uu soo kordhay.

Ugu danbeyn ururka ayay ku baaqday helitaanka Hab feecan oo Xaruumaha Caafimaadka Ilkaha ay kula kulmi karaan Dadka Waayeelka si loo siiyo daryeel ilkaha ah.

Wararka kale ee ugu Muhiimsan maanta

Dhimashada Coronavirus waxaa ku soo kordhay 10 Qof taasi oo ka dhigeysa in 2679 Qof ay ilaa hada u dhimato Xanuunka Halka Dadka qaaday xanuunka ay marayaan 22 300.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here