Home Wararka Maanta isbadalka Cusub ee Sharuudaha lagu galo A-kassa-da oo dad badan ka faa’ideesteen

isbadalka Cusub ee Sharuudaha lagu galo A-kassa-da oo dad badan ka faa’ideesteen

0

adeega a-kassa oo kamid ah adeegyada ka jira dalka isla markana loogu tala galay dadka shaqada ka dhimaatay ayaa isbadal lagu sameeyay tan iyo markii xaalada Coronavirus uu ka dilaacay dalka waxana la badalay qeybo kamid ah sharuudaha looga mid noqdo qeybtaasi loogu tala galay dadka shaqo la’anta ah.

dad badan ayaa ka faa’ideestay fursadaasi ay dowlada ugu tala gashay dadka shaqo la’anta ku dhacday ee shirkadahooda u burbureen dhaqaalo xumo awgeed madama saacadaha lagu gali jiray Akassada laga dhigay 60 saac halka markii hore ay aheyd 80 saac sidoo kalena la badalay bilooyinka aad shaqeen karto oo laga dhigay 3 bil halka markii hore ay ugu yareed 6 bil.

Dowlada oo sharciga soo saartay 30 bisha March ayaa ugu tala gashay in dadka shaqo la’anta ku dhacday ay kaga kabsadaan dhaqaalo xumada soo wajahday taasi oo dad badan ka faa’ideesteen mudada uu socdo.

Faarax oo mid ah dadka ay shaqo la’anta ku dhacday ayaa fursadaasi ka faa’ideestay madama uu 4 bil kaliya shaqada ku jiray waxana uu la kulmay sharcigan cusub markii shirkada uu ka shaqeenayay ay dhaqaalo xumo dartii u fasaxday qeyb kamid ah shaqaalaha u qornaa isagoo durba dirsaday codsigaasi Akasada.

Dowlada Sweden ayaa ku howlan sidii loo badbaadin lahaa shaqooyinka Dalka iyo shirkadaha soo waji karo dhaqaalo xumada iyadoo ugu deeqday 39 bilyan oo lagu badbaadinayo shirkadaha u burburi kara dhaqaalo xumada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here