Home Wararka Maanta Seynisyahano Sheegay in Xanuunka Coronavirus uu soconayo Mudo Labo Sano ah

Seynisyahano Sheegay in Xanuunka Coronavirus uu soconayo Mudo Labo Sano ah

0

iyadoo Wadanka singapore seynisyahano ku sugan ay sheegeen in xanuunka Corona uu soconayo mudada ka hartay sanadkan oo ku beegan bisha december ayaa dhanka kale waxaa war murugeysan uu kasoo baxay seynisyano ku sugan dalka Mareykanka oo wax ka dhiga jaamacada ku taalla minnesota qeybta Cilmi baarista Cudurrada iyo Siyaasadda.

Seynisyahanadan ka socda jaamacada ayaa sheegay in Xanuunka corona uu soconayo mudo labo sano ah oo ku eg sanadka 2022 lakin sanadka ka horeeyo ay tahay waqtiga uu bilaabanayo ciribtirka xanuunka.

Warbixinta ay soo bandhigeen seynisyahanadan u dhashay Dalka mareykanka ee Somaliska.com soo xigatay ayay ku sheegeen in Xanuunka uu ku dhicidoono boqolkiiba 60 ilaa 70 dadka ku nool caalamka ka hor inta uusan si toos ah u dhamaanin.

Mike Osterholm, oo ah agaasime waaxeed ka tirsan Jaamacadda Minnesota, ayaa yidhi: feyruska Ma joogsan doono illaa uu ku dhaco 60 ilaa 70 boqolkiiba.

hadalkan kasoo baxay seynisyahanadan u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo Dadka ku nool dunida ay sugayaan waqtiga dib loo furayo kala xirnaanshaha caalamka.

Somaliska stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here