Home Wararka Maanta Sweden oo digniin kale kasoo saartay farogalinta Amaanka Dalka iyo wadamo ka...

Sweden oo digniin kale kasoo saartay farogalinta Amaanka Dalka iyo wadamo ka danbeeya

0

Hay’ada Amaanka Qaranka Sweden ee Säpo ayaa digniin labaad kasoo saartay farogalin lagu hayo amaanka Dalka oo ka danbeeyaan Dowlada waaween iyagoo u soo maraya dhibaatada jirta ee Corona sida lagu cadeeyay warbixinta kasoo baxday hay’ada.

Hay’ada ayaa sheegtay in la wiiqayo awooda sweden iyadoo dhibaatada jirta looga faa’ideysanayo , habka gadiidka Dalka, cunnooyinka, garsoorka, tamarta iyo nidaamka maaliyada Dalka.

Ku xigeenka Madaxa Säpo ayaa u sheegtay Idaacada Dowlada in dad badan lagu qasbay Joogitaanka guriga si ay halkaasi ugu shaqeeyaan taasina ay keeni karto in la basaaso qalabka ay ku shaqeenayaan sidaasna lagu helo habka Dowlada.

Sweden ayaa dhawaan soo saartay digniin la xiriirta 15 dal kuwaasi oo kaga shakisanyihiin farogalinta amaanka Dalka iyagoo ka faa’ideesanaya xaalada Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here