Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen:- tirada Dadka iska diiwaan galiyay Xafiiska Shaqada oo korortay

Arbetsförmedlingen:- tirada Dadka iska diiwaan galiyay Xafiiska Shaqada oo korortay

0

Tirada inta qof ee shaqada laga fadhiisiiyay ayaa hoos u dhacday todobaadkii hore marka loo barbardhigo kii ka sii horreeyay. Dhanka kale ayey kor u kacayaan dadka shaqo la’aantu hayso ee iska diwaan geliya xafiiska shaqada Corona awgeed 13 700 qof.

-In kasta oo ay hoos u degeen todobaadkii hore ayey tiradu weli sarreeysaa. Dadka Todobaadkii iska diwaangeliya xafiiska shaqada ayaa u dhiganta intii aanu arki jirnay bishii, ayey sheegay Annika Sundén oo ka hawlgasha xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.

Todobaadkii hore ayaa shaqada laga fadhiisiyay 2 800 oo qof halka ay todobaadkii ka horreeyay aheeyd 4000. Gudaahan ayaa 6000 oo qof shaqooyinkoodii laga joojiyay Corona awgeed, badanaa adeegyada kala duwan ee bulshadda iyo warshadaha.

Annika Sundén oo qeeybta tirookoobka u qaabilsan xafiiska shaqada ayaa filaysa in sababta ay todobaadkii hore hoos ugu dheceen tirada dadka laga fadhiisiyay shaqooyinka ay xidhiidh la leedahay in shaqo-bixiyeyaasha loo surtogaliyay in ay shaqaalahooda muddo gaabaan fadhiisiyaan.

Heerka shaqo laanta dalka ayaa hadda taagaan 8.1%.

Xafiiska shaqada ayaa saadaalinaya in ay xagaaga gaadho boqolkiiba 10 ilaa 11.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here