Home News in English Turkiga oo diyaarad Ambalaas ah u soo diray Aabo Caawin ku waayay...

Turkiga oo diyaarad Ambalaas ah u soo diray Aabo Caawin ku waayay Sweden

0

Aabahey aad ayuu u xanuunsan yahay waxaa laga helay Xanuunka Coronavirus lakin Sweden kama helin wax caawin ah waa erayo ay baraha bulshada ku baahisay Gabadh yar oo ku nool Magaalada Malmö.

Codsiga gabadha ee lagu baahiyay Baraha bulshada waxaa kasoo jawaabay Dowlada Turkiga oo diyaarad qaas ah oo nuuca Ambaluska u soo dirtay Aabaha Xanuunsan oo 47 sano jir ah kaasi oo heesta labo dhalasho oo Sweden iyo turkiga ah.

” waxaan diyaar u nahay Aabahaa” wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa ku qorau bagiisa Twitterka.

Warbaahinta gudaha Sweden ayaa baahisay dhacdadan keentay in Aabaha loo waayo daryeel kadib markii uu tahay isbitaalka halkaasi oo loogu sheegay in uu qabo xanuunka karoona lakin lagu wargaliyay in uu dib ugu laabto guriga.

Gabadha uu dhalay oo ka sheekeneysa Xaalada ayaa tiri ” Aabahey waa uu Xanuunsaday waxaan tagnay isbitaalka baaritaan kadib waxaa loo sheegay in uu qabo Xanuunka Coronavirus lakin guriga ayay nagu soo celiyeen Aabe xanuunka wuu kusoo siyaaday waxana ku dhagtay neefta.

Inkastoo ay jiraan wadamo badan oo sidaasi dadkooda ku qabsatay Sweden marka la eego dhanga Qalabka Caafimaadka hadana turkiga waa Dalka kaliya ee awooda in uu Dadkiisa daad gureeyo wadamo badan oo yurub ah ayuu sidaasi ku sameeyay tan iyo markii uu xanuunka bilowday isagoo wadamo bdan caawiyay sida Mareykanka iyo Taliyaaniga.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here