Home Wararka Maanta Sharciga Cusub ee Caruurta oo caawinaya Caruur Sadax ah oo Aabahood laga...

Sharciga Cusub ee Caruurta oo caawinaya Caruur Sadax ah oo Aabahood laga tarxiilayo

0

Xeerka xuquuqda ilmaha ayaa Swden sharci ka noqoday sanadkan, midkaasi oo uu rajeeynayo inuu wax tar u yeesho qoys iyo saddex carruur ah oo ku nool magaalada Nybro, si aabbaha qoyska loogu siiyo dalka Sweden deggenaansho.

Sharciga Cusub ee Caruurta isla markana dhaqan galay Sanadkan ayaa awood badan caruurta u siinaya in ay helaan xaquuq badan taasi oo markii hore ku heysan dalka sweden waxana arintaasi rajo ku beertay waalid badan oo doonaya in aysan cidleenin caruurta.

– Way ku adkaan doontaa carruurta, waxaan isku dayeynaa inaan ugu diyaarinno sida ugu wanaagsan haddii aabbahood dalka laga tarxiilo, ayay tidhi Amanda oo ah ilmaha hooyadood.

Markii xeerka xuquuqda ilmaha uu noqday sharci, qoysku wuxuu rajaynayaa inay ka caawin doonto dhibaatada heysta maadaama uu sharcigu eegayo danaha ugu wanaagsan carruurta. Weli ma jiraan dacwado badan oo loo cuskaday xeerka xuquuqda dhallaanka. Amanda iyo Emir waxay rajeynayaan in maxkamada socdaalku ay qiimeeyn doonto heshiiska.

ugu danbeyn waxaa jira waalid badan kuwaasi oo wadanka ku heysan sharci lakin badalkooda ku heesta caruur ay dhaleen waxana dadkaasi oo kale adag in dalka laga tarxiilo madama ilmaha yar ay xaquuq badan leeyihiin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here