Home Wararka Maanta Dowlada oo go’an kasoo saartay Fasaxa Xagaaga iyo Ciida ku beegan Ramadaanka...

Dowlada oo go’an kasoo saartay Fasaxa Xagaaga iyo Ciida ku beegan Ramadaanka kadib

0

Dowlada Sweden ayaa shir jaraa’id kaga hadashey Xaalada Coronavirus iyo xiliga Fasaxa ee la galayo Dhawaan waxay Dowlada dhanka kale ka hadashey Ramadaanka iyo dabaal daga fasaxa Ciida ee ku beegan Ramadaanka kadib taasi oo dadka muslimiinta ciidaan.

Dowlada ayaa ku celisay in Xaalad halis ah wadanka ka jirto wali isla markana Dadka iskugu imaan karin goobaha bulshada Dowlada ayaa ogolaatay in dabaal daga Fasaxa ay isku imaan karaan Qoysaska isku dhow oo kaliya sidaasi waxaa shir jaraa’id ku sheegay Rai’sal Wasaare Stefan löfven.

” Cudurkan Safmareenka waxa uu noqondoono mid sii jira  waqti dheer waana ogohay in xiligan uu yahay waqti adag ” Stefan ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

Go’anka Dowlada ee ah in aan Xaflad la dhigan karin ayaa ku soo aadaya iyadoo Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ay sheegtay in Cudurka uu sii socondoono ilaa bartamaha xagaagan (midsummer)

Ugu danbeyn maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in ay noqoto maalinta ugu horeysa ee Ramadaan xili la joojiyay takushada Salaada ee Masaajida taasi oo ka dhigan in aysan jirin wax taraawiix ah sanadkan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here