Home News in English Sharci Cusub Qofka doonaya in uu Sweden joogo waxaa waajib ku ah...

Sharci Cusub Qofka doonaya in uu Sweden joogo waxaa waajib ku ah barashada Dalka

0

Dowlada oo kaashaneysa Labada Xisbi ee L iyo C ayaa isku raacay Sharci Cusub kaasi oo Quseeya Qofka Doonayo in uu helo ogolaansho ah joogitaanka wadanka Sharciga ayaana bilaabanaya Sanadka danbe.

Sharcigan ayaa ah mid Qofka waajig uga dhigaya in uu barto wadanka Sweden sida iskuulada Dalka ,Sharciyada, Xurnimada iyo sida loola dhaqmi lahaa ama loola qabsan lahaa dalka Hogaamiyaha Xisbiga Liberalerna Nyamko Sabuni ayaa dhankeeda sheegtay in taasi muhiim u tahay Qof walbo.

Qofka ayaa helidoona Koorso uu ku qaadanayo Luuqadiisa Hooyo marka ugu horeyso uu wadanka soo gaaro.

Sida uu Qorshaha yahay Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa loo xilsaaray arintaasi dhamaadka Xagaagan ayaana la filayaa in uu diyaar noqdo sida Kuushka ama koorsado uu noqonayo.

Ugu danbeen Sharci lamid ah Sharcigan ayaa horay uga jiray Dalka Kaasi oo dhigaya in Qofka uu Qaato Koorso la xiriirta Arimaha  bulshada marka uu qofka qaato Sharciga Dalka.

Wararka Kale ee ugu muhiimsan Sweden

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ayaa sheegtay in uu hoos u dhacay Xanuunka Coronavirus iyadoo sira u kaca ugu badan uu dhacay 15 April wixii intaasi ka danbeeyay ayuu hoos u dhacay.

Ugu danbeyn Dowlada ayaa maanta soo bandhigtay Lacag 180 milyan ah oo loogu tala galay Shaqooyinka Dhalinyarada ee Xagaaga waxaana ka faa’ideesandoona dhalinyaro gaareysa 20,000 kun sida dowlada sheegtay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here