Home Wararka Maanta Tirada Dhimashada Sweden ee Coronavirus halka ay mareyso maanta oo shir jaraa’id...

Tirada Dhimashada Sweden ee Coronavirus halka ay mareyso maanta oo shir jaraa’id lagu soo bandhigay

0

Tirada Dhimashada Sweden ee Coronavirus ayaa maanta mareyso 1511 Qof sida laga soo xigtay Hay’ada Caafimaadka Daweynaha waxana ku soo korortay 111 qof tan iyo shalay oo kaliya.

tirakoobki ugu danbeeyay ayaa tilmaameysa in 13,822 qof uu ku dhacay xanuunka taasi oo ka dhigeysa in uu saro ugu kacay 606 qof tan iyo shalay oo jimco aheyd.

warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in dadka dhintay 617 qof kamid ah ay da’dooda u dhaxeyso 80 ilaa 90 sano halka 342 qof ay ka weyn yihiin 90 sano.

shirka jaraa’id ayaa ugu danbeyn lagu sheegay in dadka ku jira xaalada deg dega ay gaarayaan 1054 qof kuwaasi oo xaaladooda wali lala tacaalayo.

Wararka kale ee Muhiimka maanta

Xafiiska Shaqada ee arbetsförmedlingen ayaa sheegay in Saameen xoogan uu ku yeeshay Xaalada ka taagan Dalka ee Coronavirus.

dhanka kale Xisbiyada Sweden qaarkood ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro Sharciga Qaxootiga ee Qaseeyo dhalinyarada sharciga ku heshay Waxbarashada kuwaasi oo waajib ku ah in ay shaqeestaan marka ay u dhamaato waxbarashada Xisbiyada ayaana ku doodaya in hada wadanka uusan laheen wax shaqo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here