Home Wararka Maanta Qof Coronavirus ugu dhintay Xaruunta lagu hayo Qaxootiga ee Migrationsverket qeybta Märsta

Qof Coronavirus ugu dhintay Xaruunta lagu hayo Qaxootiga ee Migrationsverket qeybta Märsta

0

Sida uu ku waramayo Joornalka Aftonpladet Qof ku jiray Xaruunta loogu tala galay Qaxootiga ee Xaafada Märsta ayaa u dhintay Xanuunka Coronavirus kadib markii uu qaaday Xanuunkaasi.

Goobtan ku taala Märsta ayaa ah Goob lagu hayo Qaxootiga Sharciga loo diiday ee loo diyaariyay in dib loogu celiyo Dalkooda kuwaasi oo sugaya Tarxiilis.

Ninkan ayaa Xanuunka Qaaday 18 March ee bishii hore markaasi kadib Laanta Socdaalka kama aysan soo saarin goobta madama uusan heysan Adress ama goob kale uu ku noolaado waxana xiligaasi loo ogolaaday in uu goobta iska joogo ama uu ka tagi karo hadii uu doono.

Bishan April 12 keeda ayaa Xaalada ninkan waxay noqotay mid qatar ah markaasi oo Ambalas looga qaaday Goobta isagoo ugu danbeyn ku dhintay isbitaalka.

Qaar kamid ah Dadka ku sugan Goobtaasi lagu hayo Qaxootiga ayaa dhaliilay sida Laanta Socdaalka u maareesay Xanuunka ninkan sida Somaliska.com kasoo xigatay warbaahinta Aftonpladet.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here