Home Wararka Denmark Dowlada Denmark oo ka hadashey Waqtiga la Qaadayo Xayiraada saaran Dalka iyo...

Dowlada Denmark oo ka hadashey Waqtiga la Qaadayo Xayiraada saaran Dalka iyo Shaqooyinka

0

Dowlada Denmark ayaa ka hadashey waqtiga la qaadayo Xayiraada Saaran wadanka Hadalka Dowlada ayaa yimid kadib markii shacabka ay dhaliileen Khudbad ay jeedisay Raisal Wasaaraha Dalka Mette Frederiksen.

Khudbada oo dad badan indhaha ku hayeen si warbixino badan u heleen ayaysan kaga hadlin warbixin Muhiim ah iyadoo ku soo qaaday Hadalo aanan Xiiso laheen sida Somaliska.com kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Fakarka Dadweynaha kadib ayay la kulantay Xisbiyada ku jira Barlamaanka iyadoo kulankaasi wixii kasoo baxay ay bulshada kula wadaagtay barta Facebook.

Ugu horeen waxay sheegtay in Dood dheer ay la yeelatay Xisbiyada kale ee Barlamaanka doodaasi oo ku saabsan sida ugu Macquulsan ee Wadanka dib loogu furi karo Xayiraada kadibna lagu xijinayo dib u furista Dalka si Tartiib tartiib ah.

Waxay sheegtay in meelaha ugu horeeyo ee la furayo in ay tahay Shaqooyinka sida Maqaayadaha, Shirkadaha iyo Goobaha tinta lagu jarto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inkastoo aysan Sheegin waqtiga hadana waxay ku celisay in Dowlada ay si dagan u fureyso Howlaha Muhiimka ee Dalka si lamid ah sida loo furay iskuukada iyo Goobaha Caruurta oo shalay dib u furmay.

Somaliska Copenhegan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here