Home Wararka Maanta Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo mareysa 1400 Warbixinta ugu danbeesay

Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo mareysa 1400 Warbixinta ugu danbeesay

0

Shir jaraa’id oo la qabtay Daqiiqado kahor ayaa lagu soo bandhigay Dhimashada Sweden ee Coronavirus waxaa ku soo korortay 67 Qof taasi oo ka dhigeyso 1400 tirada guud sida ay shaacisay Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ee Folkhälsomyndigheten.

Karin Tegmark Wisell oo ka tirsan Gudiga Caafimaadka ayaa shirka Jaraa’id ku sheegtay in la diiwaangaliyay 676 Qof 24 saac ee lasoo dhaafay Taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13 kun  216 Xaaladood oo kamid ah ay Culusyihiin.

Wisell ayaa intaasi ku dartay in 1024 qof ay maanta u baahanyihiin Xaalad Caafimaad oo deg deg ah guud ahaan wadanka.

Shirka jaraa’id ee Hay’ada ayaa imaanaya iyadoo Dowlada maanta ay ku dhawaaqday Qorsho Cusub oo lagu Caawinayo goobaha Dadka Waayeelka lagu hayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here