Home Wararka Maanta Norway:- Istaraatiijiyadda Sweden ee ‘Coronavirus’ gebi ahaanba waa mid khalad ah

Norway:- Istaraatiijiyadda Sweden ee ‘Coronavirus’ gebi ahaanba waa mid khalad ah

0

Espen Rostrup Nakstad, oo ahaa jiray kaaliyaha agaasinka caafimaadka ee Norwey, ayaa dhalleeceeyay waxa uu ugu yeeray istiraatiijiyadda Sweden ee cudurka waxa uu sheegay faafitaanka ‘coronavirus’ sida loo xakameeyay in gebi ahaanba khaldan yahay.

Waxa uu  sheegay in mas’uuliyada Caafimaadka ee Sweden ay qatar gelisay in laga adkaado, taas oo dalka ku qasbeysa in si degdeg ah loogu beddelo tallaabooyin xakamayn badan.
Nakstad wuxuu uu u sheegay wargeyska VG inuu tuhunsan yahay in Sweden sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qasbay inay u dhaqaaqdo qaab xakameyn dheeri ah sida Uk oo kale.
“Waxaan aragnaa in waddamada isku dayay istaraatiijiyad looyaqaano ‘Brake’ sida UK iyo Sweden, inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan istiraatiijiyad qalad ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka,” ayuu yidhi
Galabnimadii Arbacada shalay Noorway waxay soo sheegtey in kaliya 93 qof ay u dhintey cudurka coronavirus halka Sweden sheegtey 700, in kasta oo ay ku dhawaad ​​kalabar bulshada ahaayeen.
Somaliska Stockholm
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here