Home Wararka Denmark Denmark oo isbuuca danbe fureysa Iskuulada iyo Goobaha Xanaanada Caruurta

Denmark oo isbuuca danbe fureysa Iskuulada iyo Goobaha Xanaanada Caruurta

0

Dowlada Denmark oo la tacaaleysa Xaalada Coronavirus ayaa horay u xirtay guud ahaan wadanka lakin waxay maanta ku dhawaaqday in ay fureyso goobaba Waxbarashada qaar.

Xisbiga Dowlada hogaamiya ayaa warbaahinta u sheegay in Isbuuca danbe la furayo goobaha Iskuulada Dhexe iyo Xaruumaha Xanaanada Caruurta.

Raisal Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa warbaahinta u sheegtay in tani ay tahay Tilaabo Dowlada u qaadeyso sidii wadanka loogu furi lagaa si tartiib tartiib ah.

Waxay kaloo sheegtay in Furitaanka Iskuulada ay Waalidka Fursad u helayaan Shaqooyinka Caadiga ee Guriga iyagoo dhibaato kala kulmin Caruurta.

Iskuulada loo furay Xaruurta ayaa gaaraya ilaa Fasalka 5 aad ee qeybta dhexe iyo Xanaanada Caruurta iyadoo kuwa kale dib loo eegidoono wixii ka danbeeya 15 May.

Somaliska Copenhegan

Waxaa turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here