Home Wararka Maanta Maxaa ku soo kordhay Xaalada Coronavirus ee wadanka Sweden

Maxaa ku soo kordhay Xaalada Coronavirus ee wadanka Sweden

0

Xaalada Coronavirus ee wadanka ayaa wali ah mid socota waxaana maanta dhimashada mareysaa 870 iyadoo 24 saac kaliya ay korortay dhimashada 77 Qof.

Tirada dadka xanuunka uu ku dhacay ayaa mareysa 10,000 qof taasi ayaana muujineysa sida Xanuunka uu ku socdo ay tahay mid qatar ah.

Karin Tegmark Wisell oo ka tirsan qeybta Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegtay sidan ” qorshaha faafida Cudurka wali waa sidii hore lamana saadaalin karo”

Inkastoo Xanuunka uu wadanka ku sii fidayo hadana Dowlada wali maysan Xirin goobaha muhiimka mana jiro amar adag oo wadanka lagu xakameenayo.

Dhanka kale Xisbiga Moderaterna ayaa dhaceeyay sida Dowlada ula tacaaleyso Xanuunka isagoo ugu baaqay isbadal looga hortago Xanuunka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here