Home Wararka Maanta Booqashada Goobaha Waayeelka Sweden oo la Mamnucay

Booqashada Goobaha Waayeelka Sweden oo la Mamnucay

0

Dawladda ayaa mamnuucday booqashooyinka lagu tago dhammaan goobaha lagu xannaaneeyo waayeelka ee dalka.

Dowlada ayaa sidoo kale kor u qaadid saamiyada tijaabada ee fayruska corona, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay ku simaha madaxa dawladda Isabella Lövin (MP).

– Kulan ey xubnaha dawladdu shalayto isugu yimaadeen ayaa lagu go’aansadey in dhammaan booqashada laga mamnuuco goobaha lagu xannaaneeyo waayeelka – äldreboenden. Go’aankan ayaa hir geli doona laga bilaabo arbacada berito.

Horay ayay dawladdu uga talo bixisay in booqashooyinka laga joojiyo goobaha daryeelka waayeelka, iyadoona degmooyin badani go’aan ku qaateen iney mamnuucaan booqashooyinka noocaasi ah. Hase yeeshe ay dawladda iminka u muuqato baahi arrinkaa loo qabo, sida ay sheegtay Lövin.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here