Home Wararka Maanta Stockholm:- Dad Cusub oo laga helay Cudurka Coronavirus iyo Tirada oo Mareysa...

Stockholm:- Dad Cusub oo laga helay Cudurka Coronavirus iyo Tirada oo Mareysa labo Boqol

0

Tirada la xaqiijiyay coronavirus ee dalka Sweden ayaa haatan kor u dhaaftay 200, sida lagu sheegay macluumaadkii ugu dambeeyay ee gobollada.

Axadii, 12 kiis oo cusub ayaa laga xaqiijiyey Vstra Götaland, 5 qof oo Skåne iyo 1 gudaha Uppsala. Saddex kiis oo ka dhacay Örebro ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay cudurka qabaan Axaddii.

Gobolka Värmland ayaa axadii sheegay in 7 xaaladood oo cusub la xaqiijiyay inay ka jiraan. Wadar ahaan, 20 kiis oo ah coronavirus ayaa laga xaqiijiyey gobolka.

Magaalada Stockholm, 14 kiis oo cusub ayaa la xaqiijiyay Axadii. Magaalada Stockholm ayaa ah halka ugu badan ee dadka cudurka qaba ay ku suganyihiin iyadoo la xaqiijiyey 115 kiis guud ahaan Stockholm.

Isku soo wada duub, in kabadan 200 oo qof ayaa la xaqiijiyay in uu cudurkaan ku hayo Iswidhan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here