Home News in English Mudo dheer ayay igu qaadatay Sugitaanka Sharciga Deganaanshaha ku meel gaarka ee...

Mudo dheer ayay igu qaadatay Sugitaanka Sharciga Deganaanshaha ku meel gaarka ee iga dhacay

0

Mudo sadax sano ayaa kasoo wareegatay waqtiga uu ku ekaa sharciga deganaanshaha ku meel gaarka waxana dadka badankooda ka dhacay sharcigaasi iyagoo dib u codsaday mar kale lakin dhibaatada ugu weyn ayaa ah in dadka qaarkood ay ku qaadatay mudo dheer in ay jawaabta sharcigoda la siiyo

Madama uu sharciga ahaa mid ku meel gaar ah dad badan ayaa ka walwalsan mudada dheer ee laga aamusan yahay lakin taasi maahan dhibaato xoogan sida ay sheegtay laanta socdaalka ee migrationsverketka.

Dadka sharciga ku helay sida fudud waxaa u badan dadka Onlineka ka buuxiyay Codsigooda ku aadan kordhinta Deganaanshaha lakin dadka bosto ahaanta u diray waxay ku qaadatay mudo dheer halka kuwa kale ay si nasiib ah ku heleen.

Hadii aad xareesatay goor hore maku sameen kartid isbadal lakin hadii aad tahay qof hada kadib codsanaya waxaa kuu fudud in aad online/ka ka buuxiso hadii aad dooneyso in warqad shaqo ku lifaaqdo way sahlantahay in aad online ahaan ku dirto.

Hay’ada laanta socdaalka oo dhawaan ka hadashey jawaabaha dib u daahay ayaa sheegtay in mudo kooban loogu soo jawaabayo dadka sugaya sharcigooda.

muhiimada ugu weyn ayaa ah in dib loo eego sharcigaaga hadii xaalada dalkaaga ay tahay mid nabad ah taasi oo dowlada fursad u siineysa in sharciga lagaa ceshto

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here