Home News in English Dowlada Taliyaaniga oo xirtay guud ahaan iskuulada Waxbarashada Cudurka Coronavirus awgiis

Dowlada Taliyaaniga oo xirtay guud ahaan iskuulada Waxbarashada Cudurka Coronavirus awgiis

0

Talyaaniga ayaa xaqiijiyey in la xidhayo dhammaan iskuulada laga bilaabo Khamiista muddo 10 maalmood ah iyada oo lala dagaallamayo in la xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Dhamaan ciyaaraha isboortiga, oo ay kujiraan ciyaaraha kubada cagta ee Serie A, ayaa la ciyaaridoonaa iyadoo la xirayo albaabada mudo bil ah.

Tiro dhan 107 qof ayaa u dhintay cudurka tan iyo markii lagu arkay dalka Talyaaniga,waana goobta ugu badan marka la eego qaarada yurub.

in ka badan 3,000 oo kiis ayaa lagu arkay waqooyiga laakiin kuwo kale ayaa laga xaqiijiyay 19 ka mid ah 20ka gobol ee Talyaaniga.

Adduunyada qiyaastii 3,200 oo qof ayaa u dhintey in kabadan 90,000na wuu ku dhacay, waxaana tirada ugu badan Shiinaha, halkaas oo fayrasku ku soo ifbaxay dabayaaqadii sanadkii hore.

Somaliska Roma

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here