Home Wararka Maanta Sweden:- Somalida Waayeelka oo laga caawinayo Adeega

Sweden:- Somalida Waayeelka oo laga caawinayo Adeega

0

Tobbaneeyo dhallinyaro iswiidhish soomaali ah kuna nool xaafadaha Järva ee magaalada Stockholm ayaa dhowaan furay khad telefan halka ay waayeelka aan soo adeegan karin amba u baahan in daawoyin loo soo iibiyo ey kala xidhiidhi karaan. Sababta ayaa ah in ay heeyada caafimmadka bulshadu kula tallisay dadka da´da weyn in ay guryahooda ku jiraan wakhtiga feyruska Corona.

Khadka teleefan ayaa bilaabmay todobaadkan. Halkaas ayey waci karaan waayeelka caawimaada u baahan islamarkaasna aan dibada u bixi karin. Mid ka mid ah aasaaseyaasha khadkan ayaa ah Abdi Yassin oo ah darawal bass.

Dhalliyaradan ayaa si samafal ah caawimaadan u bixinaya ayuu sheegay Abdi Yassin. In kasta oo ay hooyoyinka iyo waayeelka ku nool nawaaxiga Stockholm uu ku eg yahay khadkadkani ayuu soomaalida magaalooyinka kale ee dalka kula tallinaya in ay taageeraan dadka da´da weyn ee aan dibada u bixi karin amba hooyoyinka loo karantiilay Corona awgeed.

somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here