Home News in English Norway oo go’an ka gaartay Somalida Sharci sugayaasha ah

Norway oo go’an ka gaartay Somalida Sharci sugayaasha ah

0

Dowlada Norway ayaa ugu danbeyn go’an ka gaartay somalida sugeysay sharciga daganaanshaha oo horay loogu sheegay in dib loogu laabanayo sharciyadooda madama xalaada Muqdisho ay tahay mid nabad ah.

Dadkaasi oo gaaraya 1600 ayaa mudo dheer sugayay go’anka dowlada kadib markii hay’ada u qaabilsan Qaxootiga ee UDI ay dowlada u gudbisay sida laga yeelayo dadkaasi sugaya sharcigooda.

Dowlada ayaa laanta socdaalka ugu jawaabtay in wixii ka horeeyay 27 march ee sanadkii 2017 isla markana buuxiyay sharuudaha looga baahan yahay ay xaq u leeyihiin Sharciga Deganaanshaha.

Waxaa kaloo Dowlada ay sheegtay in Dadkaasi aanan dib u qiimeen lagu sameendoonin Sharciyadooda go’anka ayaana noqonaya mid somali badan oo ku sugan Wadanka siinaya fursad kale.

Fiiro gaar ah Dadkan kuma jiraan Qaxootiga hada is dhiibay waa dadka sharciga heestay ee dib u eegista lagu sameenayay.

Wixii ku soo kordha lasoco

somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here