Home Wararka Maanta Tirada Dhimashada Sweden oo mareysa 146 Qof Xili Dadka uu ku dhacay...

Tirada Dhimashada Sweden oo mareysa 146 Qof Xili Dadka uu ku dhacay lagu soo bandhigay Tirakoobka

0

Iswidhan, 146 qof ayaa hadda u dhintay cudurka ‘corona virus’, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha. Tani waa koror 36 qof laga bilaabo Axadda. Tirada dadka cudurka qaba ayaa ka badan 4,000.

306 qofood ayaa heley daryeel dag dag ah dalka oo dhan, sida ku xusan tirokoobyada diiwaanka daryeelka deg dega ah ee iswiidhishka.

Inta ugu badan ee ku dhinta covid-19 waxay da ‘ahaan u dhexeeyaan 80 illaa 90 sano. 65 qof ayaa ku dhintey da’daas, marka loo eego tirooyinkii ugu dambeeyay ee Maamulka Caafimaadka Dadweynaha.

Hal qof ayaa ku dhintey da’da u dhaxeysa 20-29 sanadood, 8 qof oo da’doodu u dhaxayso 50–59 sano, 6 qof oo u dhexeeya 60-69 sano, 34 qof oo u dhexeeya 70-77 sano, iyo 32 qof oo jira 90 sano ama ka weyn.

In ka badan kalabar dadka dhintay, 88 qof, ayaa ku sugan gobolka Stockholm oo weli ah meesha ugu nugul.

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here