Home Wararka Maanta Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo Mushahar siineysa Dadka Shaqadooda ku waayay Cudurka...

Sharci Cusub:- Dowlada Sweden oo Mushahar siineysa Dadka Shaqadooda ku waayay Cudurka Coronavirus iyo Shirkadaha

0

Saameeyntii uu feyruuska Corona ku yeelanayey bulshada ayaa halkiisii ka sii socota waxaana Dowlada soo saartay Sharciyo looga hortagayo dhibaatada ka dhalan karta cudurkan

Dawlada ayaa si wadajir ah xisbiyada C iyo L ula gaadhay heshiis ah in ay lacag taageero ah oo dhaafsiisan 300 bilyan oo koroon u qorsheeyaan shirkadaha dhaqaalaha ku waayay Corona, sida ay dawladu maanta ku shaacisay shir saxaafadeed.

Kharashyada ay dawladu doonayso in ay daboosho ayey ka mid yihiin lacagaha dadka jirrada ku qoraan ee sjukskrivning loo yaqaano, dakhliga shakhsiyaadka shaqo laan awgeed saacadaha laga yareeyay ee guryaha la fadhiisiiyay iyo canshuuraha shirkadahan.

-Wakhti adag ayaa hor taagaan Iswiidhan. Go´aankan aanu hadda gaadhnay waa mid aan taariikhda dalkan weligii laga gaadhiin. Sida ay sheegtay Magdalena Andersson wasiiradda maaliyada Sweden.

Dhanka kale ayey wasiiraddu shirkan saxaafadeed ka sheegtay in shaqaalaha guryaha la fadhiisiyay ka dib, markii uu dalabkii yaraaday ay heli doonaan boqolkii ba 90 dakhligoodii hore. Xeerkan ayaa hir geli doona laga bilaabo 7 bisha abriil ilaa sannadkan dhaamaadkiisa, hase yeeshee kolka uu hirgelo laga soo bilaabi doono isla maanta oo bishu tahay 17-ka march.

Sido kale ayey wasiirada maaliiyada Magdalena Andersson sheegtay in ay dawladu qaabilsanaan doonto qarashyada shaqaalaha jirrada ku qoran bisha abriil ilaa maayo sannadkan.

-Hadii aanu lacagtan ku taageeri laheeyn shirkadahan waxaa laga yaaba in ay shaqaalaha qaar eryaan madama dalabku yaraaday. Taas na ma doonayno, ayey tidhi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here