Home Wararka Maanta Basaska in laga Raaco Xaga Danbe oo Dadweynaha Sweden lagu amray maanta...

Basaska in laga Raaco Xaga Danbe oo Dadweynaha Sweden lagu amray maanta wixii ka bilowda

0

Hoggaanka shirkadda gaadiidka dad weynaha SL ayaa soo bandhigtay hab cusub ee loo raaco gaadiidka dad weynaha,  tallaabadn oo hirgaleeysa salaasada maanta ayaa salka ku haysa howlaha ka hortagga faafidda caabuqa corona.

Suss Forssman Thullberg, waa madaxa madaxa isgaarsiinta ee shirkadda gaadiidka dadweynaha ee gobolka Stockholm.

– Waxeynu khatarta ah inuu faafo feyraska corona hoos ugu dhigi karnaa inagoon isku dhowaan. Waxan sidoo kale ka codsaneynaa dadweynaha gaadiidka raaca iney basaska ka galaan albaabada danbe, ayey tiri Suss Forssman Thullberg.

Sababta ugu weyn ee basaska looga galayo albaabada danbe waa inaan darawalada basaska kaxeeya la qaadsiin feyraska corona.

Yosef Yemane oo ka mida darawalada kaxeeya basaska Stockholm ayaa u riyaaqay codsiga ka yimid SL.

– Waxaan u arkaa iney tani badbaado noo tahay sababtoo ah waxeynu heynaa shaqo khatarteeda leh  maadaama aynu mar kastaa kursiga u soo jeedino dhanka rakaabka gaadiidka raaca si  aanu u gudano shaqadeena, ayuu yiri Yosef Yemane oo ah darawal kaxeeya bas.

SL ayaa sidoo kale aragtay inuu yimid hoos u dhac gaaraya boqolkiiba 20 ee rakaabka raaca gaadiidka kala duwan ee Stockholm marka la bar bar dhigo sanadki hore.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here