Home Wararka Maanta Dukaanada Sweden iyo Farmashiiyada oo laga waayay Cunooyinka iyo Adeegyada kale ee...

Dukaanada Sweden iyo Farmashiiyada oo laga waayay Cunooyinka iyo Adeegyada kale ee muhiimka ah

0

Dukaanada Dalka Sweden ayaa lagu waramayaa in ay gabaabsi ka yihiin adeegyada qaar ee muhiimka ah sida Cunooyinka iyo Warqadaha loo isticmaalo Suuliyada kadib digniinta Dowlada kasoo saartay Cudurka Coronavirus sida Somaliska ku heshay wararkii ugu danbeeyay.

Qaar kamid ah Dadka tagay Dukaanada waaweyn Sida Willyska ayaa waayay Cunooyinka ay halkaasi u doonteen oo kala duwan taasi oo keentay in hadal heyn badan bulshada isla dhex maraan.

Sweden ayaa horay looga waayay Daawada lagu dhaqo gacmaha ee loo yaqaano (handsprit) taasi oo ka dhamaatay xataa Dukaamada Online waxana xaalada u muuqataa mid halis ah hadii sidan ku sii socota xaalada cudurkan.

Dhanka kale Dowlada ayaa wada dadaal ku aadan sidii looga hortagi lahaa Cudurka Coronavirus iyadoo laga cabsi qabo in go’ano Cusub dowlada soo saarto.

Xaalada Guud ee Cudurkan ee Yurub lasoco

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here