Home Wararka Maanta Sharci Cusub:- Lacagta laga jaro Qofka ka Xanuunsada Shaqada maalinta kowaad oo...

Sharci Cusub:- Lacagta laga jaro Qofka ka Xanuunsada Shaqada maalinta kowaad oo la joojiyay

0

Dowladda ayaa meesha ka saartay lacagta ganaaxa ee maalinka ugu horreeya laga jaran jiray shaqaalaha xanuunsada  iyada oo shirkaddaha dalkana loo oggolaaday in muddo sannad ah ah dib u dhigi karaan bixinta canshuurta horudhaca ah.

Isbedelkan xilliga gu’ga ee joojinta lacagta ganaaxa ee maalinka kowaad ee xanuunka ayaa waxuu  salka ku haya faafida caabuqa Corona waana arrinta dhaqan gashay.

Hindisahan ayaa waxaa soo bandhigay dowladda iyo xisbiga wadashaqeynta kala dhaxeyso ee Centerka.

Wasiiradda maaliyada Magdalena Andersson oo shir jaraa’id qabatay maanta ayaa tiri.

– Sida ugu dhaqsiyaha badan ee suuragalka ayaan ku hor geyn doonaa hindisaha baarlamanka.

Tuurista sharciga jarida lacagta ee maalinta koowaad ee xanuunka ayaa micnahiisu waxuu yahay, in qofka xanuunsada ee ka maqaando shaqada  uu helayo lacag maalintaasi.

Dowladda ayaa laga doonayaa lacagta. Isbedelka ayaa loogu gol leeyahay in hoos loo dhigo fidista caabuqa Corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here