Home Wararka Maanta Cudurka Coronavirus oo laga helay Wasiirada Caafimaadka ee Dowlada Ingariiska

Cudurka Coronavirus oo laga helay Wasiirada Caafimaadka ee Dowlada Ingariiska

0

Cudurka Caronavirus ee kasoo bilowday gobol katirsan dalka Shiinaha ayaa si weyn dunida ugu faafay, Cudurkan ayaana la sheegay in uu wada haleelayo dadka caadiga ah iyo sidoo kale Madaxda.

Qaarada Yurub ayuu hada kusii faafayaa cudurkan halista badan, waxa uuna haleelay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo waliba dad kale oo magac iyo maamus ku leh qaarada Yurub.

Wasiirka caafimaadka, Dalka Ingiriiska  Nadine Dorries ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronovirus  Wasiirada ayaana sheegtay in xanuunkaasi haleelay isla markaana ay isku karantiishay hoygeeda.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurkan haleelo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Ingiriiska oo xiriir la sameesay Wasiirada caafimaadka oo sidoo kale ah Xildhibaan uu hada ku dhacay Cudurlan caronaviris.

Hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Cudurka Caronaviru ee ku faafaya dunida ayaa waxaa hada socda dadaalo badan oo lagu doonayo in cudurkaasi lagu joojiyo faafintiisa, waxaana maalin walbo sii kordhaya dadka uu haleelayo cudurkaasi iyo kuwa u dhimanaya.

somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here