Home Wararka Maanta Iskuulada Waxbarashada Sweden oo loo xiray Cudurka Coronavirus ee sii kordhaya

Iskuulada Waxbarashada Sweden oo loo xiray Cudurka Coronavirus ee sii kordhaya

0

Qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Stockholm ayaa go´aansaday in ay xidhaan maanta jimcaha. Sababta ayaa ah welwel laga qabo feyruuska Corona.

Dhanka kale ayay heeyada caafimaadka ee Folkhälsomyndigheten weli aaminsan tahay fikirka inaan loo baahneeyn in dugsiyada dalkan la xidho madama aanay jirin khatarta ah inuu feyruusku bulshada ku fido, sida uu sheegay Anders Tegnell oo ah xeel dheere yaqaanna cudurrada faafa, isla markaana ka howl gala hayadda caafimaadka dadwaynaha mar u wareeysi siiyay telefishinka SVT.

-Runtii go´aanka iskuulladan ma fahmi karo. Xalay markii aan la kulmay hogaamiyeyaasha degmooyinka waxaan isku raacsaneeyn in aaney jirin sabab loo xidho dugsiyada.

Wuxuu raacsiiyay:

-Haddii ay xaaladdu ahaan laheeyd sida dalka Talyaaniga halkaasina oo uu feyruusku bulshada ku fiday waan fahmi kari lahaa in iskuullada la xidho si looga hor tago. Laakiin Iswiidhan weli heerkaas ma gaadhin.

Sido kale ayuu u jeedaa Anders Tegnell in ay bulshada inteeda kale culeeys ku noqon karto marka iskuulladan la xidho madaama ay waalidkuna ku khasbanyihiin in ay caruurahooda guryaha la joogaan. Khaasatan hadii uu waalidku ka shaqeeyo goobaha daryeelka waayeelka.

Dugsiga gaarka loo leeyahay ee Kunskapsskolan ayaa shalay go’aansaday in uu xidho, sido kale dugsiga Manilla oo todobaadkan laga helay feyruuska Corona. Maanta oo jimce ah waxaa iyaguna la xidhay iskuullada Viktor Rydberg iyo dugsiga sare ee Danderyd – Danderydsgymnasiet ee gobolka Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here