Home Wararka Maanta Sweden 60 Qof oo uu ku dhacay Cudurka Coronavirus iyo tirada oo...

Sweden 60 Qof oo uu ku dhacay Cudurka Coronavirus iyo tirada oo sii kordhisay

0

Tirada inta qof ee Iswiidhan la ildaran feyruuska magaciisu yahay Corona ayaa gaadhay illaa iyo 60 qof.

Toddoba kiis oo hor leh oo qaba feyruska corona ayaa laga heley gobolka Skåne arbacadii shalay.

Toddobada qof ayaa dhammaantood safar kaga yimidey nawaaxiga waqooyi ee dalka Talyaaniga, isla markaana iminka lagu karantiiney guryahooda si aaney caabuqa u faafin. Balse illaa haddaa ey xaaladdoodu wanaagsan tahay oo aanay ku jirin cid liidata, sida uu warbixin ku sheegay maamulka Skåne.

Sidoo kale ayaa dhowaan la xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee magaalada Borås. Daryeelka caafimaad ee gobolka Västra Götaland ayaa sheegay in caafimaadka shakhsigani uu wanaagsanyahay.

Gobolada kale ee uu cudurkani gaadhay ayaa ah Stockholm oo 31 kiis lagu caddeeyay halka 16 ka mid ah shalay arbacadii la ogaaday. 27 ka mid ah 31 laga helay Corona ayaa u dhoofay dibadaha amba ka qaaday qof ka yimid wadamada laga helay feyruuskan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here