Home Wararka Maanta Mushaharka Shaqooyinka Sweden oo la dhimayo Sababo la xiriira Cudurka Coronavirus

Mushaharka Shaqooyinka Sweden oo la dhimayo Sababo la xiriira Cudurka Coronavirus

0

Dowladda Sweden iyo xisbiyada jaalka la ah ayaa isku raacay dhaqan gelinta hannaan cusub, kaasoo dhigaya in sharikaadka gala xaalad dhaqaale cudurka corona dartii ay si kumeel gaar ah u dhimaan saacadaha shaqada iyo mushaharka, halkii ay ka baabi’in lahaayeen qandaraaska shaqaalah, iyada oo ay dowladduna kharashka wax ka bixinayso.

Kaddib xasaraddii dhaqaale ee dunida ku dhufatay 2008-2009-kii, waxaa caddaatay in sharikaadka Swedish-ka ihi aysan la tartami Karin dalalka kale eel eh fursadaha shaqooyinka waqtiga gaaban, sida Jarmanka.

Yeelkeede, Sweden ayaa nidaamkaa dabbaqday 2014-kii si shaqaalaha loo taageero xilliyada xasaradaha ballaaran, iyadoo ay dowladdu bixinayso kaalmo dheeraad oo ku wajahan iskaashatooyinka iyo shaqaalaha.

Sida uu qabo Barnaamijka uu ku dhisan yahay qorshaha siyaasadeed ee dowladda iminka jirta ee loo yaqaaan Barnaamijka 73-ka dhibcood, waa in qorshahaa la xoojiyaa, waana midka iminka la keenay.

Si ka duwan sidii hore waxay iminka shaqaalaha ay is dhimaan saacadaha ay shaqeeyaan iyo mushaharooyinkoodu ay heli karaan taageero maaliyadeed oo dhanka dowladda ka timaadda, waa se marka ay dhacdo xasarad dhaqaale oo saamaysa wax soo saarka iyo sharikaadka, sida ay sheegtay Wasiiradda Maaliyadda Magdalena Andersson oo arrintan uga warrantay warqaadka Aftonbladet.

Tusaalaha ugu wayn ee sabab u noqon kara in qorshahan lagu dhaqaaqo ama la agaasimo waa haddii lacalla uu faraha ka boxo cudurka coronavirus.

Hindisahan oo dowladda lagu dhaliilay inaysan mar hore dhaqan gelin ayaa dhigaya in boqolleeyda la dhimayo saacadaha shaqadu ay u dhexeeyn doonaan  20, 40 ama 60 boqolkiiba, halka dhimista mushaharku uu u dhexeeyn doono 12, 16 iyo 20 boqolkiiba.

Dowladda dhexe ayaa dusha u ridanaysa daboolidda 1 dalool oo ka mid ah 3 dalool oo ah kharashaadka xilliga taageerada oo caadiyan noqonaysa mid taxnaanaysa muddo 6 bilood ah

Wasiiradda Maaliyadda ayaa horay u sheegtay in hindisahan lagu dari karo Miisaaniyadda Qaranka oo iman doonta bartamaha bisha Abriil.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here