Home Wararka Maanta Sweden oo raadineysa Dadkii la safray Nin laga helay Cudurka Coronavirus oo...

Sweden oo raadineysa Dadkii la safray Nin laga helay Cudurka Coronavirus oo 30 sano jir ah

0

Ilaa iminka 7 qofood ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhacay cudurka coronavirus guud ahaan Sweden. Yeelkeede, mid ka mid ah dadkaasi waa 30-jir kazoo dhoofay Milano ee deeto isu maray Stockholm iyo Göteborg oo u utareen ku tegey.

Ninka ayaa la sheegay inuu labada safarba cudurka faafin karey, sidaa darteed waxaa dib loo raacayaa raadkiisa iyo cid kasta oo uu la kulmi karo. Leif Dotevall, waa ku xigeenka Waaxda ka hortagga Caabuqa ee gobolka Västra Götaland.

– Maadaama uu caabuqa noocan oo kale ihi ku faafo hareeraha qofka, waa in aannu eegnaa meelihii uu ninkani fariistay, iyo xitaa dadkii fadhiyey laba saf oo ka horreeysa iyo labada ka dambaysa, si aannu ula xiriirno dadkii halkaa fadhiyey, ayuu yiri Leif Dotevall.

Iminka waxay howlwadeennada caafimaadku raadin doonaan dadkii ninkan safarradaa kula rafiiqay, kuwaasoo deeto lala yeelan doono xiriirro dhow oo si joogto ah u socon doona muddo laba todobaad ah, goortaasoo haddii lagu arko astaamo cusub laga baari doono fayruska covid-19.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here