Home News in English Madaxweynaha Turkiga:- Qaxooti danbe kama hor istaageeno Yurub waana u fasaxnay

Madaxweynaha Turkiga:- Qaxooti danbe kama hor istaageeno Yurub waana u fasaxnay

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inuu ka hor wareegayo qaxoonti badan, oo ka gudbi doona xadka ay la leeyihiin Yurub.

Tiradan ayaa la rejaynayaa inay gaadho maalmaha soo aaddan ku dhawaad 30,000, sida uu sheegay Khudbad uu Madaxweyne Edrogan u jeediyay xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa, ayuu ku sheegay in dowladda Suuriya ay ka qoomameeyn doonto dilka ciidammadiisa.

Wuxuu Sida oo kale Mr Erdogan sheegay inuu albaabbada u furay dhammaan qoxootiga doonaya iney qaaradda Yurub u tallaabaan dalkiisuna uu wixi hadda ka dambeeya u dul qaadaneyn qoxooti tira badan iney ku soo qulqulaan. Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in albaabbada qoxootiga Yurub u tallaabaya uu furay maalmaha soo socdana iney sidaa u sii furnaanayaan.

Dalka Giriigga-na wuxuu sheegay inuu xadkiisa uu ka xidhay kumannaan qoxooti sharci darro ah oo dhinaca Turkiga ka soo geli lahaa dalkiisa. Iyagoo sunta dadka kaga ilmaysiisa ku kala eryay dad isasoo buux dhaafiyey xuduudkiisa.

Madaxweyne Erdogan oo xildhibaannada baarlamaanka ka tirsan ee xisbigiisa la hadlayey wuxuu sheegay inuu madaxweyne Putin uu weydiisatay Ruushka inuu danta uu Turkigu ka leeyahay Gobolka Idlib uu ka leexdo si uu Turkiga keligii uu u wajaho dowladda Suuriya.

Edrogan wauxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsan qoxootiga iney jabiyeen.

Go’aanka uu Turkiga qaatay ayaa ku soo beegmay xilli Turkiga ku dhawaad 33 Askari waqooyiga Suuriya ee gobolka Idlib ay uga dileen ciidamada Suuriya.

Dalka Giriigga-na wuxuu sheegay inuu xadkiisa uu ka xiray kumannaan qoxooti sharci darro ah oo dhinaca Turkiga ka soo geli lahaa dalkiisa. Iyagoo sunta dadka kaga ilmaysiisa ku kala eryay dad isasoo buux dhaafiyey xuduudkiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here