Home Wararka Maanta Göteborg Dad laga helay cudurka Coronavirus iyo 40 Qof oo la sheegay...

Göteborg Dad laga helay cudurka Coronavirus iyo 40 Qof oo la sheegay in ay Qabi karaan

0

Waxaa is bedeshey shaqada Isbitaalka Sahlgrenska ee magaalada Göteborg kaddib markii halkaa la geeyay qof uu ku dhacay cudurka coronovirus, iyadoo la filayo kiisas dheeraad ah.

Waxaa la sheegayaa inay dhici karto inay jiraan ilaa 40 kiis oo ah cudurka coronovirus haleela, iyadoo uu Per Karlsson uu sheegayo in ay leeyihiin mug ku filan oo ay kiisaskan ugu maareeyaan si caqli ku dhisan, sida uu yiri.

Arbacadii ayuu nin 30-jir ihi isbitaalka la xiriirey kaasoo markii uu gaarigiisa ku tegey isbitaalka laga helay cudurka, isagoo haatan yaalla qaybta caabuqyada ee bariga isbitaalka Sahlgrenska. Kiiskaas Arbacadii la qabtay ayaa ahaa midkii 2-aad.

Ninkan ayaa la sheegay inuu booqday woqooyiga dalka Talyaaniga oo ah dalka ilaa iminka ugu daran qaaradda Yurub marka la eego inta kiis ee halkaa laga diiwaan geliyey.

Leif Dotevall oo ah ku simaha qaybta xakamaynta cudurrada faafa ayaa dadka ugu baaqay inay ka taxadaraan xiriirka bulshada isla markaana ay guryaha joogaan haddii ay taasi suuragal tahay.

somaliska Gotenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here