Home News in English Nin Gaari ku jiirsiiyay Dad badan Magaalada Volkmarsen ee Wadanka Germalka

Nin Gaari ku jiirsiiyay Dad badan Magaalada Volkmarsen ee Wadanka Germalka

0

Nin gaari watay ayaa jiirsiiyey dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka,.

Sida ay booliska sheegeen ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, iyadoo la xiray darawalkii gaariga waday.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa lagu arkayaa goobta uu falkan ka dhacay oo ku taalla gobolka Hesse ee galbeedka Jarmalka.

Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in gaari noociisu yahay Mercedes, oo midabkiisu qalin yahay uu jiiray dadka.

Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaari noocaas ah oo ay ku hareereysan yihiin baabuurta gurmadka deg degga ah iyo kuwa booliska.

Wali lama oga in falkan uu ahaa weerar ula kac ah oo argagaxiso iyo in kalem iyadoo saraakiisha boolisku sheegeen iney wadaan baaritaano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here