Home News in English Wiil Somali ah oo lagu dilay Magaalada Böhl-Iggelheim Booliska oo war kasoo...

Wiil Somali ah oo lagu dilay Magaalada Böhl-Iggelheim Booliska oo war kasoo saaray Dilkiisa

0

Nin Turki ah oo 23 sano jir ah ayaa degmada Böhl-Iggelheim oo ka tirsan gobolka Rheinland-Pfalz ee dalka Jarmalka ku dilay nin dhalinyaro Soomaali ah oo 24 sano jir ahaa.

Wuxuu marxuumka ku dilay mindi, sidoo kalena wuxuu dhaawacay nin waddanka Poland kasoo jeeda oo balse Talyaaniga ku dhashay.

Dilaaga ayaa la qabtay markii dambe, waxaana xabsiga dhigay Booliska, iyadoo ninka dhaawaca ahna xaaladiisu ay tahay mid halis ah.

lama oga illaa sababta keentay weerarkan dilka iyo dhaawaca ah, waxayna Boolisku sheegeen iney baaritaano wadaanm ayna su’aalo weydiinayaan ninka falka gerystay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa aanan helin ayaa noqonaya qofkii 3aad ee Soomaali ah ee dalka Jarmalka lagu dilo tan iyo bilowgii sanadkan.

somaliska Germany

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here