Home News in English Hab Cusub oo lagu Helayo Visaha Ingariiska oo Bilaabanaya iyo Dowlada oo...

Hab Cusub oo lagu Helayo Visaha Ingariiska oo Bilaabanaya iyo Dowlada oo ka hadashay

0

Dhawaan Dowlada Uk ayaa iskaga baxday Midowga Wadamada Yurub waxaana ka bixintaankooda uu saameen ku yeeshay Dadka Ajaanibta ee Dalkaasi ku gala Visaha lakin Dowlada xiligan talada heysa ayaa soo bandhigtay Qorshe Cusub oo lagu helayo Visaha Dalkaasi.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Ingariiska Prita Patel ayaa warbaahinta u sheegtay in Hab Cusub lagu helayo Visaha Uk taasi oo ah in Visaha la siinayo Qof kasta oo leh Aqoon Jaamacadeed ama Dalka ku soo kordhin kara hormar.

Prita ayaa intaasi ku dartay in Visaha sidoo kale ay heli karaan dadka leh Xirfadaha kala duwan ee uga soo baxay Jaamacada kuwaasi oo Luuqada Ingariiska ugu hadli kara si wanaagsan.

Shirkadaha Dalka Ingariiska ka dhisan ayay ugu baaqday in ay soo xushtaan Dadkaasi leh Aqoonta Jaamacadeed iyadoo intaasi ku dartay Dadka shaqooyinka Caadiga qabanaya ay ka xushtaan Dalka gudahiisa.

Xisbiyada ka dhisan Dalkaasi gaar ahaan Xisbiga Shaqaalaha Uk ayaa durba ka digay Sharcigan Cusub isagoo ku tilmaamay mid UK ka dhigi kara meel aan Shaqo loosoo doonan.

Somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here