Home Wararka Maanta Sharciga Cusub ee la Ansixinayo Khamiista iyo Saameen Xoogan uu leeyahay

Sharciga Cusub ee la Ansixinayo Khamiista iyo Saameen Xoogan uu leeyahay

0

Ciidanka ammaanka ayaa dhowaan la fileyaa in loo ogolaado iney akhbaarta ka furan karaan mabaaylada iyadoo loo isticmaaleyo nidaamka fayruska teknikada. Hase yeeshee iminka dhaleeceeyn lagala hor yimid xeerkaasi.

Farriimmaha adeegyada sireeysan ayaa noqday qayb ballaaran oo ka mid ah oo ey adeegsadaan kooxaha dembiyada isku baheeysta. Laanta wararka Ekot oo isha marisay dacwooyin soddomeeyo gaarsiisan oo la qaadey intii u dhexeeysay bishii nofemeembar ee sannadkii tagay illaa iyo jannaayo ee sannadkan 2020 ayey u soo baxeen isticmaalka aaladaha app-ka sida Wickr, Whatsapp iyo Telegram.

App-kan ayey dembiileyaasha xukunnadu ku dhaceen ku qorsheeysteen gelista dembiyo badan sida ka ganacsiga naarkootikada, khiyaanada iyo wax is daba marinta iyo afduubka dadka. Iyadoona qaar badan oo ka mid ah dunuubta aanay ciidanka ammaanka u suurta gelin inuu gacanta ku dhigo ama wax ka ogaado sheekooyinkii ama xogtii la is dhaafsadey.

– Waa dhibaato aad iyo aad u wayn, isla markaana maalin walba maalinta ka dambeeysa kor u sii kaceeysa. Annaga wey nagu adag tahay in aannu ogaanno waxa ey ku wada hadleyaan, sida uu sheegay Jan Olsson, kana mid ah saraakiisha sare ee laanta howlgalka ciidanka ammaanka.

Khamiista foodda innagu soo heeysa ayaa la fileyaa inuu baarlamanku dubbaha ugu dhugto xeer ciidanka ammaanka u saamaxaya inuu isticmaali karo barnaamijyo wax looga ogaaneyo xogaha dadka la tuhunsan yahay. Hase yeeshee ey dadka qaarkii dhaleeceeymmo kala hor yimaadeen tallaabadaasi oo lagu qiyaaso iney ku kici doonto 100 malyan oo koronka iswiidhishka ah sannadkiiba.

– Hayad ahaan ciidanka ammaanku ma lahan aqoon ku filan ee habka IT-ga, waxayna ila tahay in marka hore halkaa laga bilaabo, sida ay sheegtay Linda Snecker, ahna af hayeenka arrimmaha shuruucda ee xisbiga Vänsterpartiet.

Tallaabooyinka noocan ah ee lagu sameeyo tusaale ahaan mobaaylada casriga ah ayaa lagu dhaqaaqi kari doonaa oo keliya kolka uu jiro tuhun dembi culus. Hase yeeshee aanay khasab ahayn in cidda falkaa lagula kaceyaa aannu ahayn cidda dembiga lagu tuhunsan yahay, hase yeeshee uu noqon karo cid ay la soo xiriirto cidda dembiga gashey.

Qorshahan ayaa ah mid aad u saameeynaya shakhsiyadda, sida ay sheegtay Mia Edwall Insulander, agaasimaha guud ee ururka garyaqaannada Sweden.

– Nolol gaar ah ayaannu xaq u leennahey iyo in aannu ka ammaan helno kontaroolka dawladda. Ma ahan in la ilaawo inay tallaabadani meel kaga dhaceeyso shakhsiyadda, sida ay sheegtay.

Wasiirka arrimmaha gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa ula jeeda inuu ciidanka ammaanku baahi u qabo awoodo dheeri ah in la siiyo.

– Waa qalab howleed xoog badan oo ciidanka ammaanku iminka helayo waxaanan aad u hubaa in xukunno intii hore ka badan ey dhici doonaan, sida uu sheegay Mikael Damberg oo warreeysi uu la yeeshay Sven Carlsson oo ka howl gala Ekot.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here