Home News in English Qaarada Yurub oo Qofkii ugu horeeyay u geeriyooday Cudurka Coronavirus

Qaarada Yurub oo Qofkii ugu horeeyay u geeriyooday Cudurka Coronavirus

0

Qofkii ugu horeeyey ayaa dalka Faransiiska ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus kaasoo sidoo kale noqday qofkii ugu horreeyay oo cudurkan ugu geeriyooda meel ka baxsan qaarada Aasiya.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Caafimaadka Faransiiska Agnès Buzyn dalxiise u dhashay dalka Shiinaha oo da’diisu ahayd 80 sano jir kana yimid gobolka Hubei ayaa u geeriyooday cudurkan

Waxa uu dalkaasi Faransiiska soo gaaray 16-kii Janaayo, waxaana lagu karantiilay isbitaal ku yaall magaalada Paris 25-kii isla Janaayo.

Saddex qof oo kaliya ayaa markii hore la sheegay in meel ka baxsan Shiinaha ay xanuunkan ugu geeriyoodeen waxayna dadkaasi ku dhinteen Hong-Kong, Philippines iyo Japan.

Si kastaba, 1,523 oo qof ayaa caabuqan gudaha Shiinaha ugu dhimatay, kuwaasoo intooda badan ku noolaa gobolka Hubei oo ah meeshii ugu hooreysay ee cudurka coronavirus ka dilaacay.

Faransiiska ayaa noday dalkii ugu horreyay oo Yurub ka tirsan oo laga xaqiijiyay kiisaska caabuqan, iyadoo 11 kiis la xaqiijiyay in dalkaas laga helay waxaana haatan weli isbitaalka ku jira lix qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here