Home Wararka Maanta Xisbiga Moderatke oo soo bandhigay Sharciyo looga hortagi karo Dambiyada Caruurta geestaan

Xisbiga Moderatke oo soo bandhigay Sharciyo looga hortagi karo Dambiyada Caruurta geestaan

0

Xisbiga Moderaterna ayaa ku dhawaaqay inuu dooneyo in la hirgeliyo ruumaan (xabsi) gaar ah ee dhallaanka.

Fikirkan ayaa qayb ka ah qorshe is wata oo looga hor tegeyo dunuubta dhallinyarada ee xisbigu maanta ku soo ban dhigay shir jaraa’id.

Fikrradahaa ayuu ka mid yahay in la joojiyo xeerka xukunka ciqaabta ka ridaya dhallinyarada da’doodu u dhexeeyso 18-21 sannadood kolka ey dembi galaan – ungdoms rabatt waxa loo yaqaanno, iyadoona toddobaadka foodda innagu soo haya uu xisbigu hor geeyn doono guddi hoosaadka baarlamanka ee shuruucda afkaar ka soo baxday baaris arrinkaa horey looga sameeyay, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson:

-Xilligii ayaa la gaaray, muddo ayaa loo baahnaa. Waxaa jira afkaar sharciyeedyo diyaar ah, sida uu sheegay Ulf Kristersson

Dhallinyarada da’doodu u dhexeeyso 18-21 jir ayaa kolka ey dembi galaan waxey maanta helaan ciqaab ka hooseeysa kolka la maxkamadeeyneyo. Iyadoona baaris muddo laba sannadood iminka laga joogo lagu soo ban dhigey lagu soo jeediyey in la baabi’iyo xeerkaa., hase yeeshee aan la qaadan. Xisbiga Moderaterna ayaa iminka doonaya inuu ka war doono inuu fikirkaasi maanta aqlabiyad ku leeyahey baarlamanka. Isagoona uu xisbigu salaasada foodda innagu soo haysa uu hor geeyn doono guddi hoosaadka shuruucda ee baarlamanka, balse aanu ogsooneyn iminka inuu aqlabiyad ku leeyahey iyo in kale.

Moderaterna ayaa sidoo kale maanta soo jeediyey qorshooyin kale oo looga hortegi karo dembiyada dhallinyarada, tusaale ahaan  in hoos loo dhigo xilliga maxkamad la is hor keeni karo oo maanta gaarsiisan 15 sannadood. Sidoo kale in la abuuro ruumaanno dhallaanka dembiyada gala la qaban karo oo lagu heeyn karo, sida uu sheegay Ulf Kristersson oo u warrammay laanta wararka Ekot:

-Kolka la is qabto waxaa laga maqnaadaa waddada. Maanta wax yar dabadeed waa la sii daayaa, isla markiiba waxaa dhici karta inuu halkiisii ka sii wado dembigii, sida uu sheegay Kristersson.

Dhanka kale xisbiga moderaterna ayaa doonaya in ciidanka ammaanka loo suurtageliyo inuu heli karo dhammaan xogta ay laanta adeegga bulshadu ka hayso qof, si ey wada jir isaga kaashadaan ka hor tagga dunuubta dhallinyarada. Xisbigu wuxuu sidoo kale dooneyaa in si looga hor tago dembiyada dhallaanku galaan in gacan dheeri ah loo fidiyo dhallaanka qarka u saaran dembiyada.

Waxyaabo ey ka mid yihiin entry-program –  qorshaha mamnuucidda, ama gelista..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here