Home Wararka Maanta Sweden oo laga helay Cudurka Korona Fayris ee dhawaan ka dilaacay Dalka...

Sweden oo laga helay Cudurka Korona Fayris ee dhawaan ka dilaacay Dalka Shiinaha

0

Kiiskii ugu horreeyay ee fayruska corona ee ka dillaacay dalka Shiinaha ayaa dhowaantan galabnimada jimcada maanta lagu dhawaaqay in laga heley gobolka Jönköping oo ka tirsan Sweden, sida uu caddeeyay saamigii hayadda caafimaadka bulshada Sweden Folkhälsomyndigheten.

Shakhsiga fayruska ama caabuqa laga heley ayaa ah haweeney safar ku tagtay nawaaxiga carriga Wuhan ee dalka Shiinaha, hase yeeshee aan wax xannuun ah dareemeeyn kolkii ay Sweden ku soo laabatay. Haweenaydan ayaan qabin xanuun ballaaran illaa hadda.

– Waa wax aan lama filaan ahayn, maadaama ey safarradu aad u badan yihiin, isla markaana waa mid aannu fileeyney iney dhici karto, qiimeeyntayadanna aannu ku darsanney. Dhacdooyin la mid ah ayaa sidoo kale laga heley waddammo dhowr ah, sida ay sheegtay dhakhtarad Tegmark Wisell, ahna madax waaxeed ka howlgasha hayadda Folkhälsomyndigheten.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here