Home News in English Migrationsverket-ka Sweden oo ka hadlay Qaadashada Dhalashada Wadanka iyo Sababaha keenay Daahitaankiisa

Migrationsverket-ka Sweden oo ka hadlay Qaadashada Dhalashada Wadanka iyo Sababaha keenay Daahitaankiisa

1

Wakaaladda socdaalka ayaa gacanta ku heeysa tiro kor u dhaafeeysa 100 kun oo la xiriirta dalabaadka qaadashada muwaadinnimada Sweden.

Halka shantii sannadood ee ugu dambeeyey ay wakaaladda socdaalku xoogga isugu geeysay sidii loo maareeyn lahaa dalabaad aad u fara badan ee ka soo gaarey qaxootigii faraha badnaa ee dalka soo galey sannadihii 2015-2016. oo qof.

Mats Rosenqvist, waa madax waaxeed ka howl gala wakaaladda socdaalka laanteeda bixinta waraaqaha dhalashada:

-Waa halkaa goobta uu safka ugu dheeri ka furmay, dhanka dalabaadka magangelyada sannadihii ugu dambeeyey, sida uu sheegay mar uu warreeysi siiyay laanta idaacadda ee Radio Sweden. Isagoo hadalkiisii sii watana raaciyay inuu dalabka aqoonsiga dhalashadau yahay howsha ugu dambeeysa ee wakaaladda socdaalka laga soo doonto ama laga soo dalbado.

Iminkase waxaa xoogga la isugu geeyneyaa sidii loo dhimi lahaa safka dheer ee dalabaadka waraaqaha dhalashada ama baasaboorrada ee dalka, waxaannuna ku qasbaneeyn in muhiimadda aannu middaa siinno. Hase yeeshee iminka tooshka lagu ifineyo dalabaadka dhalashada, sida uu hadalka u dhigay.

Muddada lagu guda jiro baarista dalabka shakhsiyaadka dalbada dhalashada ayey dhacdaa in xiriirro lala sameeyo heyado ey arrimmahaasi khuseeyaan iyo sidii loo caddeeyn lahaa inuu qofka dalabka soo gudbiyey buuxineyo shuruudihii u degsanaa. Waana arrimmaha qaata wakhtiyada dheer ee kala duwan, isla markaana aan la cayimin karin goorta howlahaasi soo gabagaboobi doonaan, maadaama shakhsi walba kiiskiisa si gaar ah loo eego, sida uu sheegay Mats Rosenqvist:

-Kolka dalabka dhalashada la gudbiyo, dalabaadka oo dhami isma wada lahan. Lama oran karo in xaaladaha oo dhan aannu la wada xiriirno heyadaha kala duwan. Qaarkood waa lala xiriiraa qaarkoodna maya, maadaama dalabka qof walba si gaar ah loo eego. Intaa waxaa dheer in dalabaadyeda qudhooda aaney isku si u dhammeen, waddamada ey ka soo jeedaan dadka dalbadaana ey kala duwan yihiin, loogana baahan yahay shuruudo kala duwan, middaa ayaana lagu macneeyn karaa iney qaadato wakhtiyo kala duwan,      sida uu sheegay Rosenqvist.

Dhanka kale waxaa bishii luulyo ee sannadkii 2018 hirgaley xeer xaq u siinaya bulshada iney hayadaha ka codsan karaan muddo lix bilood dabadeed haddii aaney jawaab ka helin iney qoraal ku codsadaan jawaab degdeg ah. Arrinkaasi ayaana sabab u noqday inay wakaaladda socdaalka soo gaaraan 40-50 meeyo kun oo dalabaad noocaasi ah, oo u baahan in dhankoodana si degdeg ah looga jawaabo, middaasina oo sababtay iney safaf kala duwan ka abuurmaan faylalkii wakaaladda socdaalka ee dalabaadka dhalashada dalka.

-Waxayna wax ka qaribtay safkii wakaaladda socdaalku horay u sameeysatay, iyadoona iminka ey jiraan laba saf oo kala duwan, sida uu sheegat Mats Rosenqvist.

Wakaaladda socdaalka ayaa iminka ku guuleeystay inay wax ka dhinto dalabaadkii is dul saarnaa ee dhalashada, iminkana ay mareeyso in jawaabo ey helaan dadyoowgii dalabaadkooda la qabtay sannadkii 2017-kii.

-Dadkii dalabaadka gudbistey 2017 ayaa iminka waxey heli doonaan go’aannadii laga gaarey inta lagu guda jiro sannadka 2020. Waxaan howl gelinney shaqaale hor leh oo iminka sugaya un iney howsha la qabsadaan si ey gacan uga geeystaan dardar gelinta howlahan,  sida uu sheegay.

Halka dhanka kale boqolka kun marka laga go’aan gaaro ey sannadka soo socdana sugeyaan dalabaad gaarsiisan boqol kun oo kale. Howlaha dalabaadka dhalashada ee wakaaladda socdaalka ayaa iminkadan saacadaha shaqada ee ku baxa lagu qiyaasaa 140 sannadood howlo u dhigma, sida uu sheegay Mats Rosenqvist, oo ka howlgala wakaaladda socdaalka, laanta waraaqaha aqoonsiga dhalashada.

Somaliska/radiosverige

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here