Home Wararka Maanta Xisbiga V oo sheegay in uu diyaar u yahay Kulanka Xisbiyada M...

Xisbiga V oo sheegay in uu diyaar u yahay Kulanka Xisbiyada M iyo KD

0

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa sheegay inuu jawaab degdeg ah ka filayo dawladda uu hoggaamiyo Stefan Löfven in lacag dheeri loo qoondeeyo maamullada degmooyinka iyo gobollada dalka sidii loo adkeeyn lahaa nidaamka hab nolol wanaagga bulshada –  välfärden.

Haddii kale wuxuu xisbiga Väsnterpartiet la fariisan doonaa sidii uu ugala xaajoon lahaa arrinkaa xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna, sida uu shir jaraa’id ku sheegay dhowaantan hoggaamiyaha xisbiga Väsnterpartiet Jonas Sjöstedt.

-Dooddii hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa berito ka dhici doonta baarlamanka. Waxaanan Stefan Löfven si cad aan u weeydiin doonaa inuu diyaar u yahay 10-ka bilyan ee loogu talo galey degmooyinka iyo gobollada ee dheeriga ah, oo haddii ay dawladdu ka hor mariso nidaamka hab nolol wanaagga bulshada in canshuurta laga dhimo maalqabeennada iyo dadka mushaarooyinka sare qaata. Waxaannu markaa diyaar u nahey inaannu la fariisanno M iyo KD sidii aannu ugu khasbi laheyn dawladdu iney maal gelintaa ku tallaabsato, sida uu sheegay Sjöstedt.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here