Home News in English Dadka Swidhishka oo Qaxootiga kaga badan Is dilka sida Daraasad lagu soo...

Dadka Swidhishka oo Qaxootiga kaga badan Is dilka sida Daraasad lagu soo bandhigay

0

Qaxootiga yimid wadanka Iswiidhan ayaa la sheegay in celcelis ahaan ay ka halis yar yihiin in ay is dilaan oo ay qudha iska jaraan, marka la bar bar dhiggo ku dhashay dalka Iswiidan.

Arrintan ayaa lugu ogaaday daraasad la sameeynayey tan iyo sanadkii 2015-kii. Anna Clara Hollander, waa iskuduwaha cilmibaarista xagga cilmiga caafimaadka bulshada ee machadka Karolinska, ayaa aaminsaneyd in qaxootigu  iyo dadyowga kale ee aan magangalyada weydiisan Sweden ay kaga halis badan yihiin isdilka kuwa ku dhashay wadanka.

Dhinaca kale Anna ayaa sheegtay in markii ay dib u eegtay diiwaanka wixii ku dhacay 1.5 milyan oo qof e dhashay intii u dhaxeysay  snadihii 1970-1984-dii, oo markaa da’doodu aheyd 16 ilaa laga soo gaaro sanadkii 2015-kii uu mala awaalkeedu muujiyey waxeeysan ku fekerin.

Ugu dambeyntii natiijada baaritaanka aya muusay in qaxooti noqdeen kuwo kaga halis yar xagga is dilka dadyowga kale ee dalka ku dhashay. Anna-na waxaa ay farta ku fiiqday in natiijadani quseeyo oo keliya dadka dalka Sweden deganaanshaha laga siiyey  wixii ka horeeyey sanadkii 2015-kii ee aanney aheyn kuwa magangalayada weydiistay dalka sanadka 2015-ki. Balse ay adag tahay in la sax ah loo ogaado nabadgalyo doonka maadama aaney heeynsan lambarada dhalashada islamarkaasina ka muuqan karin diiwaanka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here