Home News in English Akhriso Sharciyada Cusub ee ka hirgalaya Sweden Sanadka Cusub ee 2020 iyo...

Akhriso Sharciyada Cusub ee ka hirgalaya Sweden Sanadka Cusub ee 2020 iyo kuwa wax laga badalay

1

Bilowga Sanad walbo oo cusub waxaa soo kordha Sharciyo cusub iyadoo kuwii hore qaarkood lagu sameeyo isbadalo Warbaahinta somaliska ayaa idin soo bandhigeysa sharciyada Cusub ee Sanadka 2020.

Laysinka Gawaarida

Laga bilaabo koowda bisha jannaayo waxaa kor loo qaadi doonaa qidmadda laysanka gawaarida, hadday noqon lahayd cidda markii ugu horreeysay qaadanaysa iyo cidda uu ka dhacay ee cusbooniisaneeysaba. Qidmaddaasina oo noqon doonta 280, halka uu iminka ka yahay 250. Waxaa lagu darey 30 koron.

Xeerka Lacagta Cadaanka

Xeerka lacagta caddaanka ayaa ah xeer cusub oo hir geli doona kala guurka sannadka. Iminka waxaa bangiyada lagu waajibiyey iney suurtageliyaan goobo lacagta caddaanka lagala bixi karo. Goolka laga leeyahey ayaa ah si loo sii nagaadiyo nidaamka in lacag wax lagu iibsan karo, gaar ahaan dadyoowga ay ku adag tahay iney isticmaalaan habab kale ee wax lagu bixiyo.

Xeerka Dilka

Koowda bisha jannaayo 2020 waxaa hir geli doona xeer looga gol leeyahay kordhinta mudada qofka uu ku jiro xabsiga kaasi oo geestay dil. Xukunka dilka ayaa maanta u dhexeeya 10-18 sannadood, halka  uu xukunka xabsi daa’inku lahayn wakhti cayiman. Dilka kama’a ah ayuu xukunkiisu u dhexeeyaa 6-10 sannadood. Dawladda ayaa u aragta in haddii uu xukunka dilku gaaro 15-18 sannadood, bedelkiisa lagu xukumo xabsi daa’in.

Xaquuqda Caruurta

Bayaankii caalamiga ee xuquuqda dhallaanka (barnkonventionen) ayaa qayb ka noqon doona xeerka Sweden laga bilaabo 1-da bisha jannaayo 2020. Muhiimadda ka dambeeysa ayaa ah sidii loo sugi lahaa xuquuqda bani’aadminimo ee dhallaanka. Bayaanka caalamiga ee hay’adda Qarammada Midoobey ee xuquuqda dhallaanka ayaa la gaarey 20-kii nofeember 1989. Halka Sweden laga ansixiyey afeef la’aan sannadkii 1990.

Mudadad Shaqo ka fadhiisiga oo la kordhiyay.

Laga bilaabo 1-da jannaayo 2020 waxaa shaqaalaha xaq loo siiyey iney ku sugnaan karaan goobtooda shaqo illaa iyo inta ey ka buuxineyaan 68 sannadood. Marka shaqaalaha uu buuxiyo 68 sano xaq uma laha in shaqada uu sii joogo hal bil ka badan waxa loo yaqaano (uppsägningstid), halka ay iminka ka tahay kolka la buuxiyo 67 sannadood.

Canshuurta oo laga dhimay Dadka Hoolgabka

Canshuurta ayaa laga dhimey gunnada howlgabka wixii ka badan 17 000 oo koron. Tusaale ahaan 17 500 waxaa canshuurta laga dhimeyaa 100 kr.

Joojintan ayay macnaheedu tahay in canshuurta ugu badan ee dakhliga dheeriga ah ee soo gala (marginalskatten) hoos loo dhigo 5%. Midda lagu magacaabo casnhuurta dheeraadka ah – Värnskatten 5% waa canshuur dulsaar oo dawli ah oo laga qaado mushaaradka kabadan 703 000 oo koron sannadkii.

Sharciga Deganaanshaha

1-da jannaayo 2020 waxaa hir geli doona xeerar cusub oo ku saabsan sharciga deggenaansho ee cilmi baarista iyo waxbarashada sare, sidoo kale sharciyada deggenaanshaha shaqo iyo abuurka goobo shaqo waxbarashada ama cilmibaarista dabadeed. Sweden ayey muddo sannad ah ku sii sugnaan karaan ajaaniibta jaamicadaha ama cilmibaarista dalka ku dhameeysta sidii ey ama shaqo ku raadsan lahaayeen ama isugu dayi lahaayeen iney shirkado ka abuurtaan dalka.

Qiimaha Bansiinka oo saro loo qaaday

Qiimaha bensiinka ayaa kor loo qaadi doonaa sannadka foodda innagu soo haya. Waxaa dib loo qiimeeyn doonaa canshuurta bensiinka, middaasina oo ka dhigeeysa qiimaha bensiinka mid 15 öre kor u kaca.

Degmooyin laga dhimayo Canshuurta

Sannadka 2020 waxaa 137 kr. canshuurta laga dhimi doonaa degmooyinka taageerada loo fidiyo A iyo B, gaar ahaan degmooyinka dhaca waqooyiga iyo waqooyi galbeed. Canshuur dhimistan ayaa saameeyn doonta 830 000 qof oo ku kala dhaqan illaa degmooyin 80 kor u gaaraya.

Qaxootiga Qaar oo laga jarayo lacagta ceerta

Qofk qaxootiga ah ee deggenaansho ka soo qaata xaafadaha ey danyartu ku badan tahay ayaan xaq u yeelan doonin lacagta gunno-maalmeedka ama taageerada dhaqaale ee kale. Xeerkan ayey horay u dhaleeceeyeen degmooyin badan oo ey aad ugu badnaayeen qaxootigu. Xeerkan ayaan saameeyn doonin ciddii ay caddaato in aanay xaq u lahayn taageero dhaqaale. Is badelkan ayey heshiis ku wada yihiin dawladda iyo xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna.

Dadka Lixaadkooda dhameen oo Lacagta loo kordhiyay

Saqafka gunnada taageerada la siiyo dadka aaney xubnahoodu dhammeeyn ayaa kor loo qaadey 900 oo koron laga bilaabo koowda bisha jannaayo 2020, iyadoona la gaarsiiyey 20 000 oo koron bishii, halkii ay horay uga ahayd 19 100 koron. Qiimeeynta dawladda ayaa ah in la howl gelin doono in ka badan tirada dadyoowga aaney xubnahoodu dhammeyn. Mushaarka taageerada ayaa ah dhaqaale lagu taageero shaqa bixiyaha howl geliya dad siyaabo kala duwan aaney xubnahoodu u dhammeyn.

Sharciyada kale ee hirgalaya Bisha Agoosta ee Sanadka Cusub

Koowda bisha agoosto waxaa hir geli doona qaraarka dawladda ee boostada, midkaasina oo shirkadda Postnord suurtagal u siinaya inay kor u qaadi karto qiimaha adeegyada, si loo maareeyo hoos u dhaca baahida adeegyada boostada. Sidaa daraadeed waxaa 1-da bisha jannaayo sidoo kale aad kor loogu qaadi doonaa qiimaha farankaboolada. Waraaqaha dibadda waxaa qiimaha kor loo qaadi doonaa 5%, iyadoona la gaarsiin doono 22 koron, halka warqadda culayskeedu gaaro 50 garaam la gaarsiin doono 11 koron, halka ay iminka ka tahay 9 koron.

Ilaalada Xeebaha, Booliska, Nabadsugida iyo Maamulka Kastamka waxaa xaq loo siin doonaa isticmaalka kaamerooyinka iyadoo aan ogolaansho laga helin hayadda kormeerka Xogta. Si loo ilaaliyo  xaqa asturnaanta, waxay hayaduhu isticmaali kari doonaan kaamerooyinka haddii dulsaarku ka culus yahay danaha ilaalinta shakhsiyadda. Hayadaha laftooda ayaa go’aan ka gaari doono iyo diiwaan gelintaba. Hayadda kormeerka xogta ayay howsheedu noqon doontaa dul kala socod iyo in ganaax ay ku soo oogto hayaddii aan diiwaan gelin go’aankeeda.

Lasoco Goor dhow iyadoo dhameysi ah oo Faahfaahsan

somaliska Stokcholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here