Home News in English Taliyaaniga oo bilaabay dib u celinta Qaxootiga Somalida ee wadamada qaar markii...

Taliyaaniga oo bilaabay dib u celinta Qaxootiga Somalida ee wadamada qaar markii ugu horeesay

0

Dowlada Taliyaaniga ayaa bilaabay markii ugu horeesay celinta Qaxootiga somalida kuwaasi oo markii ugu horeesay dib loogu celiyay wadamada Yurub qaarkood halkaasi oo markii hore iska dhiibeen.

Taliyaaniga ayaa horey sharciyada u siin jiray Qaxootiga Qaarkood gaar ahaan kuwa kasoo jeeda wadanka Somaliya waxana ay ku qaadan jirtay mudo sanad ama labo sano in uu qofka sharciga ku helo marka uu gaaro golabada qaar.

Maxamed waa mid kamid ah Somalida gaaray taliyaaniga waxana uu ka tagay Dalka Finland oo dhawaan bilaabay in Qaxootiga ku celiyo wadanka Somaliya si lama filaan ah ayaa loogu celiyay Finland halkaasi oo markii hore faro dhigtay.

go’anka dowlada Taliyaaniga ayaa saameen xoogan ku yeeshay Somali badan oo ku nool wadankaasi kuwaasi oo leh faraha wado kale waxana ugu badan wadamada dhaca dhanka waqooyi ee qaarada yurub sida Somaliska ku ogaatay baaritaan dheeraad ah.

dhanka kale Wadanka Faransa ayaa kamid ah wadamada bilaabay in Qaxootiga Somalida dib ugu celiyaan Wadanka Finland oo dalbaday in dadkaasi loosoo celiyo.

Somaliska Roma

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here