Home News in English Shaqo si aad u hesho Waa in aad Gacanta ku Salaanto Dadka...

Shaqo si aad u hesho Waa in aad Gacanta ku Salaanto Dadka kale

0

Madooneysaa in aad shaqo ka hesho Kamuunka Trelleborg ee Dalkan Sweden waxaa qasab kugu ah in aad gacantaada ku salaanto dadka kale ee ka shaqeeya kamuunka ama aad la kulanto.

Hindisaha waxaa soo jeediyay Xisbiga Sverigedemokraterna waxana ku raacay Xisbiga Moderaterna Xisbiga SD ayaana aaminsan in ay qalad tahay in dad kamid ah bulshada ay diidaan salaanta ama gacan qaadista dadka kale.

Gudoomiyaha Degmada Trelleborg Mikael Ruby ayaa dhankiisa sheegay in Qofka diida gacan qaadista dadka kale uusan noqon karin Muwaadin Swedhish ah.

ugu danbeyn Dadka ka faalooda sharciyada ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid ka hor imaanaya Sharciga Sweden ee qof kasta siinaya xurnimo diintiisa iyo dhaqankiisa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here