Home News in English Mariya Abdi ” Aniga oo 16 Sano jir ah ayaa leega qaatay...

Mariya Abdi ” Aniga oo 16 Sano jir ah ayaa leega qaatay Wiilkeyga hada ayaa dib ugu guuleestay

1

waa sheeko hadal heen badan ka dhalisay wadanka Norway taasi oo xitaa ay ka hadashey Raisal wasaaraha Dalkaasi Norway kadib markii hooyo somaliyed ay Maxkamada Yurub ka gaartay guul kiis kala dhaxeeyay hay’ada caruurta dalka Norway ee Barnevekerna.

Hooyada oo Dalka Norway iska dhiibtay iyadoo 16 sano jir ah ayaa xiligaasi waxay wadatay wiil bilo jir ah lakin hay’ada caruurta u qabilsan Norway ayaa go’an ku gaartay in wiilka laga qaado hooyada xiligaasi oo u aragtay in aysan qaadi karin masuuliyada wiilkaasi.

Wiilka oo bilo jir ahaa ayaa loo dhiibay Qoys heesta diinta masiixiga kuwaasi oo korsaday ilaa uu ka gaaro 10 sano jir.

Hooyada ayaa hada bilowday in kiiska wiilkeeda u gudbiso Maxkamada Xuquuqul insaanka Yurub taasi oo mudo dheer kadib go’aamisay in Hooyada laga galay dambi ku aadan wada noolaashada Qoyska waxana eedeen adag loo jeediyay Hay’ada Caruurta u qaabilsan Norway.

Maria Abdi Ibrahim oo ku nool Degmada Grimstad ee Dalka Norway ayaa hada bilowday in ay waqti la qaadato wiilkeeda si ay isku barto una barto nolosha iyo dhaqanka dalkeeda somaliya.

Dhanka kale waxaa bilowday gurmad loo fidinayo hooyadan oo ku aadan xaaladeeda waxana loo aruuriyay lacago caawin ah.

ugu Danbeyn Raisal wasaaraha Dalka Norway Solberg oo ka hadashey kiiskaasi ayaa sheegtay in loo baahanyahay saro u qaadista aqoonta dadka ka shaqeeya hay’ada caruurta u qaabilsan Norway.

Somaliska Oslo

AD

1 COMMENT

  1. Waa arin la.yaab leh in hooyo wiilkeeda laga qaaday haddana lagu gor gortamo oo hore loo siin waayay
    Waxaan u mahad celinayaa cidkasta oo gacan binu aadam ka gaystay inay hesho hooyadaasi wiiilkeeda oo ay mudo dheer kala.maqna
    Illaahay waxaan uga baryayaa hoyadaas iyo wiilkeedaba inay illaahay sharafta iyo karaamada diinta islaamka ku nooleeyo oo xaqeeda aanay waayi karin
    Illaahay baa mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here