Home Wararka Maanta Maria Mindhammar oo loo magacaabay Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen-ka

Maria Mindhammar oo loo magacaabay Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen-ka

0

Maria Mindhammar ayaa loo magacaabey agaasimaha guud ee cusub ee hayadda xafiiska shaqada, iyadoona howshii ugu dambeeysay oo ay haysay ahayd agaasimaha sare överdirektör.

Hayadda suuqa shaqada oo waayadan dambe uu saarnaa culeeys aad u ballaaran ayaa maanta loo magacaabey agaasime guud oo cusub,

– Waa in la caddeeyo howlaha hayadda looga fadhiyo inay qabato sida ugu dhakhsiyaha badan, si hayaddu u hesho jawi deggen oo ay ku gudan karto howlaha muhiimadda ku fadhiya ee hor yaala. Waa masuuliyad aad u ballaaran, middaasina oo bulshada iyo hayadduba aaney suurtagal u laheyn in lagu guul darreeysto, sida ay sheegtay Maria Mindhammar.

Mindhammar ayaa ku takhasustay culuunta shuruucda, gaar ahaan qaadiga. Waxay horay jagooyin sarsare uga soo qabatay hayadaha ceeymiska qaran iyo Kronofogden. Agaasimaha guud ee cusub ee hayadda suuqa shaqada ayaa xilka kala wareegi doonta Mikael Sjöberg kolka uu jagada ka dego bisha maarso ee sannadka foodda innagu soo haya.

Shirkado gaar loo leeyahey ayaa gacanta loo gelin doonaa qalabeeynta iyo isku duwidda cidda aan shaqada heeysan iyo shaqo bixiyaha, waana is bedel loo qabtey in la hir geliyo kala guurka sannadaha 2021, 2022. Halka dhanka kale gabagabada sannadka looga fadhiyo hayadda in shaqaalaheeda ay dhinto 4 000 oo qof.

– Waxaa igu heeraarsan dadyoow xirfad leh, kelina kuma ihi howlahan sidii aan ku hir gelin lahaa howlaha ay dawladdu ka damacsan tahay hayadda ee go’aanka ay ku gaartay. Intii jahwareerka lagu jirey ayaa sidoo kale keenay neecaw, waxaan doonayaa inaan shaqaalaha uga mahad celiyo. Waanan ogsoonnahay inaan masuuliyadda uga soo wada bixi doonno si wada jir ah, sida ay sheegtay Maria Mindhammar.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here